Adeegyada Luuqadda
Ma tahay farshaxaniistaha masraxa, dheel yaqaan, qoraa, jilaa, ama qof ka shaqeeya noocyada farshaxanka ee muujinaaya hidahaaga? Haddii aad tahay, Southeastern Minnesota Arts Council (SEMAC) ayaa diyaar u ah inay ku taageeraan!
SEMAC waxay siisaalacag dhan $2,000 ilaa $6,000 shaqsiyaadka si loo siiyo taageero dhaqaale ee ay u baahan yihiin si ay uga miro dhaliyaan shaqadooda hal abuurka ayna ula wadaagaan bulshadooda. Fursadaan hal abuurka ayay heli karaan dadka hadda bilaabay, iyo sidoo kale dadka leh shaqada horey u socotay. Intaa waxaa dheer, SEMAC waxay
leedahay Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah (ERF) oo loogu talagalay in lagu siiyo gargaar degdeg ah, oo muddo gaaban ah fanaaniinta gaarka ah ee wajahaya dhibaato lama filaan ah. SEMAC ayaa sidoo kale bixisa aqoon kororsiyo bilaashka ah iyo adeegyada kale ee xirfad dhisidda ah.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo SEMAC.org. La xiriir Sharon Mansur, Maamulaha Helitaanka Isku Xirka ciwaanka sharon@semac.org ama 507.322.1088, 711 TTY, wixii su’aalo ah ama codsiyada helitaanka la xiriira.
Fannaaniinta aan Ingiriisiga ku hadlin iyo fanaaniinta Ingiriisi xaddidan waxay sidoo kale si toos ah ula xiriiri karaan Project FINE 507.452.4100 ama Intercultural Mutual Assistance Association si toos ah 507.289.5960 si ay u helaan tarjumaad bilaash ah, iyo caawimaada qoraalka codsiga deeqda oo ay taageerto SEMAC.
SEMAC waa mid kamid ah kow iyo tobanka Gudi ee Farshaxanka Gobalka ee ka shaqeeya gobalka Minnesota kuwaas oo taageera hormarinta farshaxanka maxaliga ah iyo kan gobalka. Ayadoo ku taala Rochester, SEMAC ayaa u adeegaysay degmooyinka Dodge, Fillmore, Freeborn, Goodhue, Houston, Mower, Olmsted, Rice, Steele, Wabasha, iyo Winona, ayna ku jirto Bulshada Prairie Island ee Hindida ah, ilaa sanadkii 1977.