Skip to main content

Adeegyada Luuqadda 

Ma tahay farshaxaniistaha masraxa, dheel yaqaan, qoraa, jilaa, ama qof ka shaqeeya noocyada farshaxanka ee muujinaaya hidahaaga? Haddii aad tahay, Southeastern Minnesota Arts Council (SEMAC) ayaa diyaar u ah inay ku taageeraan!

SEMAC waxay siisaa $2,000 ilaa $6,000 shaqsiyaadka si loo siiyo taageero dhaqaale ee ay u baahan yihiin si ay uga miro dhaliyaan shaqadooda hal abuurka ayna ula wadaagaan bulshadooda. Fursadaan hal abuurka ayay heli karaan dadka hadda bilaabay, iyo sidoo kale dadka leh shaqada horey u socotay. SEMAC ayaa sidoo kale bixisa aqoon kororsiyada bilaashka ah ee xirfad dhisidda iyo adeegyada kale.

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo SEMAC.org, ama la xiriir Sharon Mansur,Maamulaha Helitaanka Xiriirka oo aad ka helayso sharon@semac.org ama 507.322.1088.

Farshaxaniisteyaasha aan ku hadlin Ingiriiska iyo farshaxaniisteyaasha Ingiriiskoodu kooban yahay ayaa sidoo kale la xiriiri kara Project FINE oo ay ka wacayaan 507.452.4100 si ay u helaan turjumaad, fasiraad, iyo caawimaada qorista codsiga deeqda.

SEMAC waa mid kamid ah kow iyo tobanka Gudi ee Farshaxanka Gobalka ee ka shaqeeya gobalka Minnesota kuwaas oo taageera hormarinta farshaxanka maxaliga ah iyo kan gobalka. Ayadoo ku taala Rochester, SEMAC ayaa u adeegaysay degmooyinka Dodge, Fillmore, Freeborn, Goodhue, Houston, Mower, Olmsted, Rice, Steele, Wabasha, iyo Winona ilaa sanadkii 1977.