Skip to main content

Language Services – Somali

Taageerada SEMAC ee loogu talagalay Farshaxanada Gaarka ah ee Mashruuca FINE

Ma tahay farshan muuqaal, qoob-ka-cayaare, muusikiiste, qoraa, ama jilaa?  Haddii aad tahay, Golaha Farshaxanka ee Koonfur-bari Minnesota (Southeastern Minnesota Arts Council, SEMAC) ayaa halkan u joogta inay ku taageerto! 

SEMAC waxay shaqsiyaadka siisaa deeqo gaaraya ilaa $5,000 si ay usiiyaan taageerada maaliyadeed ee loo baahan yahay si ay u sii wataan shaqadooda halabuurka ah oo ay ula wadaagaan bulshada.  Fursadan waxaa heli karo farshaxanada hadda fanka, iyo sidoo kale kuwa leh tababaro diyaarsan.  Waxa jiro laba wakhti oo kamadambays ah sannad kasta – Luulyo 1 iyo Janaayo 1. Hannaanka codsigu waa tartan, oo waxay xaq u leeyihiin inay helaan hal deeq sannadkiiba.​

Si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah, booqo SEMAC.org ama wac 507.281.4848.  Farshaxada aan ku hadlin  afka Ingiriisiga iyo fannaaniinta Ingiriisiga xaddidan ku hadla waxay sidoo kale kala xiriiri karaan Mashruuca FINE lambarka 507.452.4100 si ay u helaan turjumaad bilaash ah iyo adeegyo tababbarid oo deeq ah.​

SEMAC waa mid ka mid ah Goloyaasha Farshaxanada Gobolka Minnesota ee Kow iyo toban ah ee uu u xilsaaray Gobolka Minnesota si ay u gaaraan go’aamada kama dambaysta ah ee ku saabsan isticmaalka qoondaynta horumarinta farshaxanka deegaanka iyo gobolka. Iyadoo lagu salaynayo Rochester, SEMAC waxay u adeegtay degmooyinka Dodge, Fillmore, Freeborn, Goodhue, Houston, Mower, Olmsted, Rice, Steele, Wabasha, iyo Winona tan iyo 1977.